muhiimada qoraalka iyo akhriska


Muhiimada akhriska
v  Ayadii koowaad ee lagu soo dajiyey NABIGA SALALAAHU CALAYHI WASALAM waxa ay ahayd IQRA oo macneheedu yahay AKHRI waana suurad dhan oo ka mid ah suuradaha qur’aanka.
v  Wax akhrisku waxaa uu kordhiyaa garaad qofka iyo waayo aragnimadaada, inta badan ee aad akhriso waa inta badan ee aad wax taqaan ama cilmigaagu uu kordhayo.(THE MORE YOU READ THE MORE YOU KNOW) .
v  Waxaa lagu ogaadaa waxyaabo badan oo aadan hore u maqal ama aadan hore u arag, waxaad baran kartaa meelo aadan waligaa tagin kaliya adiga oo akhrisanaya warbixino ku saabsan waxaad kale oo kala baran kartaa sida dunida loo kala dago, DADKA IYO DHAQAMADOODA, waxyaabaha keeni kara isfahamiwaaga iyo sida loogu kala duwan yahay dhaqanka.
v  Aqoontu waxa ay ka koobantahay labo shey akhris iyo qoraal. Aqoonta oo la kasbadaa waxa ay ku xidhantahay akhriska.
v  BULSHOOYINKA AQOONTA LEH WAXA AY KA HORUMAR BADAN YIHIIN KU WA AAN AQOONTA LAHAYN. BULSHADA AQOONTA LEH WAXAA AY MAR WALBA KA FEEJIGANYIHIIN IN UU KHILAAF SOO KALA DHAX GALO, WAA KUWO OG DANAHOODA IYO HALKA AY HIIGSANYAAN. WAXAA AY ISKA KAASHADAAN DANAHA GUUD. TUSAALE AHAAN FAGAARAHA TAXRIIR , kacdoonkii dadka reer masar, waxaa la ogyahay in maalintii xilka laga qaaday kaligii taliskii mudada fog haystay ee xusni mubaarak ay dadka reer masar mar qudha hagaajiyeen FAGAARAHII taxriir kaas oo ay ku sugnaayeen malaayiin shacab ah oo ku dhixi jiray habeen iyo maalin. SIDA CILMI BAADHAYAAL MARAYKAN AH AY SOO SHEEGEEN akhriska sheekooyinka mala-awaalka ay yihiin kuwo bulshada u wanaagsan oo ay bulshadu noqoto mid isku duuban oo is walaalaysata. Akhristaha wanaagsani waa toosiyaha umada, sida ay sheegeen cilmi baadhayaal kala duwan akhrisku waxa uu ka qayb qaataa isku xidhnaasha bulsha iyo wada jir kooda.
v  Wax akhrisku wuxuu wanaajiyaa shakhsiyada qofka waayo qofka wax akhrintiisu badantahay waxa uu yeeshaa khibrad u diida in uu ku dhaco fal cawaaqibkiisu xun yahay.
v  Dhanka caruurta wax akhrisku wuxuu koriyaa caruurta qiyaastood, caqligooga iyo aqoontooda guud. Waxa ay ka helaan erayo cusub marka ay akhrinayaan buugaagta taas oo dhista aqoonta luuqadeed.
v  Ardayda wax akhriska badan waa ku wa kaalmaha koowaad kaga jira iskuulada iyo meelaha wax lagu barto. Waxaa ku dhisma aqoonta guud. Waxaa kale oo dhacda in ardayda Akhriskoodu badan yahay ay ka aqoon bataan macalimiintooda.
v  Wax akhriska waxaa uu dhisaa ereyada luuqada aad wax ku akhrinayso, waxaa kaloo uu dhisaa fahamka qofka.
v  Waxay yareeysaa wal wal ka. Taasi waa sababta adiga oo wal-walsan hadaad qaadato buug dabadeena aad akhriso uu wal-walkii kaaga tagayo waayo buuga sheekada ku qoran waxa ay ka sheekaynayaa waxyaabo kala duwan oo kaa saaraya badaha murugada ah ee kugu furan.

Muhiiimada qoraalka
v  Qoraalku waa shay aad iyo aad u muhiim ah waana shay jira in badan, boqolaal kun oo sano ayuu jiri karaa qoraalka. TUSAALE waxaa u ah in KUTUBka qur’aaanka kariimka in uu yahay mid qoran sababtuna ay ahayd markii Abuu bakar radiyalaahu canhu uu go’aamiyey uruurinta qur’aan ka iyo qoristiisa oo ka qaadatay mudo. Markii uu abuubakar go’aankan qaadanyey waxaa ay ahayd markii ay SHAHIIDEEN asxaab badan oo qur’aanka dusha ka hayeysay. TUSAALAHA labaad waa SUNAHA NABIGA SALALAAHU CALAYHI WASALAM oo isaguna ay tahay mid qoran oo haadaney qornaan lahayn dad badani ay diinta wax ku dari lahaayeen ama wax ka badali lahaayeen. Waxaanu odhan karnaa qoraalku waa xigmad rabaani ah.
v  WIXII LA QORAA QURUUMO HAREE MUXUU HADAL QIIMO LEEYAHAY, aduunyada aqoonta taala waxa lagu soo gudbiyey hab qoraal. Taariikhda dunida waxaa lagu soo wariyey hab qoraal kala duwan haday ahaan lahayd sawir gacmeedyo ama far qoran. Waxaan la soconaa farta faraacintu inay tahay faraha aduunka ugu da’da weyn Sababtuna ay tahay qoraalkeeda. TUSAALE AAN WADA ARKI KARNO EE LA TAABAN KARO WAXAA KA MID AH LAAS-GEEL oo ka mid meelaha taariikhiga ah ee DUNIDA taas oo laga helayo wax yaabahii ay ku qoreen. Waxaa hore u jiray luuqado kala duwan iyo dad kala duwan oo dunida soo maray lakin aan maanta wax taariikh ah lahayn. Lana garanyn in ay jireen iyo in kale uu shaki ku jiro. HESHIISKII SAANTA EE LA LA SAXIIXDAY MUSTACMARADII ENGIRIISKA AYAA ISAGUNA AH, WAXYAABAHA TAARIIKHIGA AH EE QORAN maanta aynu arki karno faa’iidadiisa.
v  Qoraalku waa dhaxal, maguurto ah oo laga barto wixii hore u jiray, wax yaabahii hore u dhacay ee aan loo baahneen inay soo noqdaan sida dagaalada sokeeye iyo waxyaabaha xun ee ka dhashay oo ah tusaale wax lagu qaato. Hadii ay aabayaasheen ahaan lahaayeen dad wax qora waxaa yaraan lahaa is khilaafka iyo dagaalada waayo waxaa jiri lahaa heshiisyo lakal saxiixan lahaa oo qornaan lahaa, laakiin waxaa kaliya jiray heshiisyo afka ah oo laga yaabo in ay dhintaan dadkii isku ogaa heshiiskaas lakiin ay soo laabato dhacdadii la isku khilaafay.
v  Qoraalka wanaagsani waxaa uu yareeyaa JAHLIGA. Waxaa kale oo uu fududeeyaa xidhiidhka bulshada. Waayo qoraalku waa XIDHIIDH qoran(WRITTEN COMMUNICATION).
MAXAA LAGA DHAXLAY AKHRIS QORIS LA’AANTA
Ø  TAARIIKH BADAN OO AYNU LAHAYN AYAA KU LUNTA BILAA QORIS ISKA DAAYE IN LA AKHRIYEE.
Ø  TAARIIKHDA SOOMAALIDA GUUD AHAAN WAXAA AY BILAABATAY IN LA QORO XILIGII GUMEYSIGA. WAAYO DADKA SOOMAALIDA GUUD AHAAN MAYNAN GARANAYN SIDA WAX LOO QORO WAXAA WAX AY KU QORI JIREEN AFKA CARABIGA AH.
Ø  WAXAA LAGA DHAXLAY DAGAALO SOKEEYE OO KA DHASHAY QORIS LA’AAN SIDA IN AAN LA QORIN HESHIISYO HORE U DHACAY, AMA DAR-DAARANO HORE LOO QORAY. TUSAALE MEELAHA INTA BADAN UU KA YIMAADO MURANKA WAXAA KA MID AH DHUL-BEEREEDKA, DHUL-DAAQSIMEEDKA, CEELASHA BIYAHA IYO WAX YAABO KALE OO SOO NOQ-NOQDA KHILAAFKOODA SIDA GURYAHA DHAXALKA AH IYO HANTIDA KALEBA.
Ø  QOF WALBAA OO AH DA’ AH WUXUU LA DHINTAA AQOON ISAGA OO AAN LAGA NUUGIN AQOONTA KU DUUGAN. GAARIYE ALAHA U NAXARIISTEE WAXAA UU YIRI MAALINKUU DHINTAA ABWAAN WAAN ILMEEYAA OO WAA MAKTABADO DHAN OO GUBTAY hadalkan oo ah qiyaas sheegaysa cilmiga ku aasan dadkeena ee hada sida dhibta yar ku baab’aya
Ø  Waxa ay xoojisay QABYAALAYADA waan ognaha in qofka aqoonta leh ama qofka wax akhriya uu dunida in badan ka fahamsanyahay, maskax fiican leeyahay si fogna u fakira. Badi dadka wax akhriyaa waxaa ku yar qabyaalada waan garan karnaa sida qabyaaladu ku tahay meelaha aqoonta iyo meelaha bilaa aqoonta ah.

No comments:

Post a Comment