Noocyada garaha culus ee soomaalida.
W/Q: Cali Coomay
Guud ahaan waxay u kala baxayaan laba qaybood:
1. Gar xeer-beegti
2. Gar cadaawe
Gar xeer-beegti: waa waxay u kala u kala baxaysaa afar.
a) Duco
b) Didiif
c) Dawi
d) Maluug
a) Duco: waxa lagu bilaabaa garta bisinka iyo faataxada, waxaana laga
dambaysiiyaa duco. Waxa lagu ducaystaa ilaahayow waxaanu kaa baryaynaa
in kii xaq ku taagan, xaqiisa la siiyo, kii wax aanu lahayna doonaya
aanu helin. Qofna wax aanu lahayn raacin.
b) Didiif: waa eray
macnihiisu yahay afeef. Marka garta qaarkood la qaadayo waa la
is-xujeeyaa. Waxa la yidhi laba nin ayaa geenyo(faras naag ah) isku
qabsaday, Waana ilmaadeer. Ka dib waxa la yidhi waar hebelow ha la idiin
garnaqo, ka dib midbaa yidhi” la garnaqsan maayo ilaa saddex arrimood
la helo, cidii soo gole fadhiisin lahaydm ninkii garta u sheegi lahaa
iyo ninkii ku odhan lahaa waa lagaa gar helay”. Arrintii sidii baa loogu
garnaqay. Waxa kale oo jirtay in nin yidhi” aniga gartayda saddex ma
galaan” = nacfi-jiid, = naas-jiid iyo lug-jiid.” Waxaanu ula jeedaa.
= nacfi-jiid: waa ninka wax la siiyo
= naas-jiid: waa ninka gabadhi dhashay( abtiga loo yahay)
= lug-jiid: waa ninka gabadha qaba ee seediga loo yahay
c) Dacwi: waa meesha ugu mihiimsan garta. Waa qaabka aad u sheegato iyo
sidii aad uga hortagi lahayd waxa ninka kale sito ee kugula garamayo,
waxaanad ka sii hor-degaysaa wuxuu odhan lahaa .” haddii uu odhan doono
sidaa”, haddii uu ku soo halqabsado sidaa” iyo haddii uu kaa maro
dhinacaa” IWM.
d) Maluug: waa wax kasta oo aad tuhunto, laakiin
aanad cadayn u hayn. Tusaale ahaan. Nin aad is disheen oo agtaada qori
amma hub kale la marmarayo, taaso oo ay dhici karto inuu kuu sito iyo
inaanu kuu siddan ee uu iskii isaga sito, balse aad ka shakiday oo aad u
malaysay inuu adiga kuu sito laakiin aanad caddayn u hayn. Markaa
waxaad leedahay “ ninkaa waanu is laynay garna waa naloo balamiyey, qori
hore kumaan arki jirin, imika ayuu sitaa, ma hubo inuu aniga ii sito
iyo in kale. Markaa waxaan rabaa tuhun-saar iyo dhaar. Ka dib arrinka
waa la geli bal siday wax yihiin.
1. Gar-cadaawe
Gar-cadaawe waxay u qaybsantaa laba nooc:
a) Gar-shareeco
b) Gar-xisdi
c) Xeerarka garta
a) Gar-shareeco: garta shareeco waa gar muslism sida magaca ka muuqata.
Waxa dhaqan u ah dhaar iyo markhaati. Waxa gartan loo qaadaa wixii afka
ka soo baxa, dhinacayada dacwaddu ka dhexayso amma markhaati
yidhaaheen. Qofka haddii uu caddayn waayo, waxa lagu odhanayaa ku dhaaro
inaanad waxaa qaadan.
b) Gar-xisdi: gartani waxay ka mid tahay
garta shareeco. Waana gar xeer-beegti. Xaalka laga bixiyo arrimahan waxa
weeye si aanu qofku u aargoosan. Haddii qof lagu gefo, oo xaal la siiyo
micnaheedu waa wuuaargoosan, balse in la baajiyo aargoosi. Waxyaabaha
xaalka la isku siiyo waxa ka mid ah: garowshiiyo oo ninkii xumaanta loo
geystay waa loo garaabaa oo waxa la yidhaa” raali ahaw waanu kugu
qaldanay.
c) Xeerarka garta: soomaalidu waxay leedahay xeerar ay ku
kala baxaan markay is-qabtaan. Sida dhaqan ahaan loo kala duwan yahay
ayaa xeer ahaan loo kala duwanaanayaa. Xeerark dhaqanka waxa hogaamiye,
caaqilada, suldaanka, garaadka, boqorka, ugaaska iyo waliba odayaasha
beelaha u taliya. Beelaha jaarka ah waxa ka dhexeeya xeerar ay ku wada
dhaqmaan, oo ay ku kala baxaan markay wax isku qabtaan. Arrrimaha inta
badan la isku qabto waxa ka mid ah: dilal, xoolo la kala qaado, dumar la
faraxumeeyo IWM. Dhinaca kale waxa jira xeerar ka dhexeeya oo lagu
dhaqmo, markay qabiilku amma jilib hoose is-qabtaan. Waxaana la
odhanayaa” jilibkaasi maxaa xeer inooga yaallay markay arrintan oo kale
dhacdo”. Waxa jira xeerar guud oo kala ah : = inaan dumarka la kala
faraxumayn. = inaan gabadh la qabo la isu-dhaafin. = gabadh doonan inaan
la isu-dhaafin. = dumaasha in ninkeeda loo daayo. Waxa kale oo jira
arrin la yidhaa laba xaallay oo ah, tusaale ahaan gabadh la qabo oo
reerkoodii la taal ayaa la kufsaday, mark ay taas oo kale dhacdo,
gabadha reerkoodii ay ka dhalatay iyo reerkii qabay ee ay u dhaxday
labaduba waxay yeeshaan xaal.
Qaabka garta loo bilaabo
Garta marka la bilaabayo ee la soo wada fadhiisto goobta gartu ka
dhacayso, guddiga garta qaadaysaa waxay marka hore su’aal weydiiyaan
ninka muduciga ah( ka wax tirsanaya), waxaan lagu odhanayaa “ ma adigaa
wax tirsanaya” haa markuu yidhaa, waxa hadana la weydiinayaa “ ma ka
samraysaa waxa aad tirsanayso amma ma u dulqaadanaysaa” ka dib maya
haddii uu yidhaa, waxa loo gud-bayaa ninka dhinaca madaacalayga( ka wax
loo tirsanayo), waxaana la weydiinayaa” waxa laguu sheeganayo garaw ma
ka haysaa amma ma ka bixinaysaa”. Maya haddii uu yidhaa, muduciga ayaa
xagiisa la eegayaa, waxaana la weydiinayaa” garaw laguuma hayee, gar
ceeble ma marsanaysaa”. Haa ayuu odhanayaa. Ka dibna madaacalayga ayaa
lagu odhanayaa” waxa laguu sheeganayo ka ka jid-baxaysaa”, haa markuu
yidhaa, waxa nin walba la weydiinayaa, iyadoo muduciga lagu
horaysiinayo. “ xidhahaagii ma wadataa”, haa marka uu yidhaa waxa lagu
odhanayaa bilow hadalka oo gartaada akriso. Ka dib muducigu waxa uu
hadalka ku bilaabayaa, isagoo eegaya ninka wax loo sheeganayo, ayuu
su’aalay” wax garaw ma ii haysa”, maya haddii uu yidhaa wuxuu hadana
weydiinayaa” haddii aynu gar-adag ismarino oo aan waxayga gar kaaga helo
ma qabtaa wixii aan kugu yeesho”., madaacalayga ayaa isna, haa ka dibna
muduciga ayaa odhanaya” haddii aan kugu helo waxaa aan kuu sheeganayo
goobta garta ayaad igu siinaysaa, oo igalama kacaysid”. Ka dibna
madaacalaygii ayaa odhanaya” wixii aad igu hesho waa iga bad-yaal waaa
ku siin isla goobta. Waxaynu ku wada hadlaynaana gole-joog ha noqdeen
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
No comments:
Post a Comment