Friday, December 13, 2013

TARTANKA SHEEKOOYINKA EE SANADLAHA

FURSAD...............................................DAHABI ......................AH ....................KA FAA'IIDAYSO OO SOO QOR KALIYA SHEEKO OO KU GUULEYSO ABAAL MARIN....

naadiga akhriska himilo oo xafiiska ku qabilay agaasimaha dalada heer qaran ee sonyo

Dalada heer qaran ee soonyo oo uu hogaaminayey agaasimaha guud ee sonyo mud. siciid maxamed axmed iyo u qaybsanaha dhinaca ururada ee sonyo mustafe dayib c/laahi aya saaka oo sabti ahayd soo booqaday xafiiska naadiga akhriska himilo waxaa halkaas ku qabilay gudoomiye ku xigeenka nadiga sabaad maxamuud caabi iyo xubno naadiga ka tirsan oo wahelinayey iyo qoraa cali coomay, wadda hadal iyo gorfayn labadda dhinac ba ah waxa kulankaa la iskula qaatay arimo labadda dhinca ba ay kuwada shaqay doonaan mustaqbalka.

Wednesday, December 11, 2013

booqashadii qoraa AXMED IBRAAHIM CAWAALE

Waxa xafiiska Naadiga Akhriska Himilo soo booqday qoraa Axmed Ibraahim Cawaale, halkaasna waxa si kal iyo laab furan ku qaabilay gudoomiyaha naadiga mud. Axmed-nasri Daahir Xuseen iyo xubno ka mid ah naadiga, is waraysi iyo xog waran la is waydaarsaday. kadib, qoraagu aad ayuu ugu mahadnaqay hawlaha naadigu u hayo bulshadiisa uguna mahadnaqay, sidoo kale balan qaaday inuu naadiga tageeri doono, ugu danbayna gudoomiyaha oo magaca naadiga ku hadalayey ayaa aad ugu mahadnaqay qoraaga iyo is xil-qaankiisa uu ku sooo booqday xafiiska naadiga.