naadigu wuxuu mar walba diyaar u yahay in uu dhaliyo wax afka qalaad lagu yidhaahdo(incentives) oo ah wixii dhalin lahaa in wax la akhriyo sida tartano aqooneed, dhiirigalinta qalinlayda gaar ahaaan da'ayarta si loo helo fac wax akhriskiisu sareeyo.
NAADIGA AKHRISKA
HIMILO
Naadiga akhriska himilo waa
naadi ka shaqeeya horumarinta akhriska iyo qoraalka bulshada reer Somaliland.
Xaruunta NAADIGA waxay ku taalaa HARGEYSA.
MAXAA
LOO SAMEYAY NAADIGA:
Ka dib markii aan argnay baahida loo
qabo naadiyo noocana ah iyo sida bulshada loogala dagaalamo jahliga iyo mugdiga
aqoon la’aanta loona saaro iftiinka cilmiga iyo nolosha.
Ujeedooyinka naadiga waa:
1. Noolaynta
suugaanta, kobcinta, baadhista afka hooyo guud ahaan.
2. Kor
u qaadista heerka waxakhris iyo qorista.
3. Dhiirigalinta
Hal-abuurka, qoraaga iyo akhristaha da’da yar.
4. U
fududeynta buugaag inay helaan akhristayaasha da’da yara ama cilmi
baadhayashaa.
5. In
uu ka jeediyo kuna sababo in ay wax akhriyaan ama wax qoraan dhalinyarta ku
mashquulsan joogista fagaarayaasha kaftanka kuna qaata waqti badan.
6. Barista
hab qoraalka afka soomaaliga cida aan garanayn si ay u kordhaan dadka wax
akhrin kara waxna qori kara.
HIMILADA
NAADIGA:
Hanka, hiigsiga iyo himilada
naadigani waa in la helo bulsho akhriska iyo qoraalku caado u yihiin.
SIYAASADA
NAADIGA:
Siyaasada guud ee naadigani waa in la horumariyo heerka
akhriska iyo qoraalka ee bulshada reer somaliland iyada oo loo marayo dariiq
kasta oo
suuragal ka dhigay ina lagaadho himilada naadiaga kaaso aan
ka hor imanayn diinta islaamka, dhaqanka bulshadeena iyo dasduurka naadiga kana
madhan faa’iido doon, arimo siyaasadeed, qabyaaladeed iyo gobaleysi.
HALKU DHIGA NAADIGA:
Halku dhiga naadigu waa laba hal ku dheg oo naadigu
leeyahay:
ü
Maanta ahkri barina qor.
ODHAAHDA HAL-ABUURKA:
Odhaahyadani waa kuwa ina tusinaya faa’iidooyinka qoraalka
iyo akhriska .
ü
Wixii la qoraa quruumo hadhee muxuu hadal
qiimo leeyahay.
ü
Qalinka
wax suureya kugu sima halkaad
doonto, saaxiib kal furan weeye sunto far ku hantiisa.
ü
Abku doono ha sheegte wuxuunba ii ehel ah
dad ninkaan af aqaane si wax iila arkaaye namidayso ujeedo.
FARIINTA NAADIGA:
Shan ka faa’iideyso shan ka hor:
1. Noloshaada,
dhimashadaad ka hor.
2. Caafimaadkaaga,
bukaankaga ka hor.
3. Dhalinyaronimadaada,gabawga
ka hor.
4. Firaaqadaada,
mashquulka ka hor.
5. Maalkaaga,
faqriga ka hor.
Waa qowlkii rasuulka (n.n.k.h.)
ogoowna hubka dhabta ahi waa qalinka.
Fadlan nagal soo xidhiidh:
Email:
Himiloreadersclub@gmail.com
ama TELL:4209509,4721707,4110160