FURSAD...............................................DAHABI ......................AH ....................KA FAA'IIDAYSO OO SOO QOR KALIYA SHEEKO OO KU GUULEYSO ABAAL MARIN....
Akademiyadda akhriska iyo qoraalka himilo
hore waxaa loo odhan jiray NAADIGA AKHRISKA HIMILO laakiin markii uu balaadhay wax qabadkii NAADIGA ayaa loo bixiyey AKADEMIYADA AKHRISKA IYO QORAALKA HIMILO
Friday, December 13, 2013
naadiga akhriska himilo oo xafiiska ku qabilay agaasimaha dalada heer qaran ee sonyo
Dalada
heer qaran ee soonyo oo uu hogaaminayey agaasimaha guud ee sonyo mud.
siciid maxamed axmed iyo u qaybsanaha dhinaca ururada ee sonyo mustafe
dayib c/laahi aya saaka oo sabti ahayd soo booqaday xafiiska naadiga
akhriska himilo waxaa halkaas ku qabilay gudoomiye ku xigeenka nadiga
sabaad maxamuud caabi iyo xubno naadiga ka tirsan oo wahelinayey iyo
qoraa cali coomay, wadda hadal iyo gorfayn labadda dhinac ba ah waxa
kulankaa la iskula qaatay arimo labadda dhinca ba ay kuwada shaqay
doonaan mustaqbalka.
Wednesday, December 11, 2013
booqashadii qoraa AXMED IBRAAHIM CAWAALE
Waxa xafiiska Naadiga Akhriska Himilo soo
booqday qoraa Axmed Ibraahim Cawaale, halkaasna waxa si kal iyo laab
furan ku qaabilay gudoomiyaha naadiga mud. Axmed-nasri Daahir Xuseen iyo
xubno ka mid ah naadiga, is waraysi iyo xog waran la is waydaarsaday.
kadib, qoraagu aad ayuu ugu mahadnaqay hawlaha naadigu u hayo
bulshadiisa uguna mahadnaqay, sidoo kale balan qaaday inuu naadiga
tageeri doono, ugu danbayna gudoomiyaha oo magaca naadiga ku hadalayey
ayaa aad ugu mahadnaqay qoraaga iyo is xil-qaankiisa uu ku sooo booqday
xafiiska naadiga.
Monday, November 11, 2013
hargeisa iyo habeenka hal-abuurka da'da yar
Munaasibad loogu magac daray Hargeysa iyo Habeenka Hal Abuurka Da’da yar oo
lagu qabtay Hotel Imperial ee Magaalada Hargeysa oo soo qaban qaabiyey Naadiga
Aqriska ee HIMILO waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socota
Xukuumada iyo Xisbiyada mucaaridka ah, Hogaanka Naadigaasi, qoraayo iyo
Marti Sharaf kale.
Ugu horeyn waxa halaasi hadalo kooban ka soo jeediyey mid ka mida Xubnaha
Naadiga Akhriska ee Himilo Faarax Bashiir oo ka waramay Ujeedada loo asaasay
Naadigaasi waxaanu yidhi “Ujeedooyinka Naadiga waxaa ka mida in la helo cidii
dhalinyarada ahayd ee abadali lahayd hal abuurada ruugcadaaga ah ee loo heli
lahaa hal abuur da yar taasi ah sababta aanu u nidhi maanta akhri barina qor” ayuu
yidhi Faarax Fashiir.
Xaashi Ibraahim Siciid Hal abuur da’yar oo ka mid Hal abuurada loo
sameeyey Munaasiban oo halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyey halkaa ka
cadeeyey qiimaha ay leedahay Hal abuurnidu oo haybad qofka uu ilaahay ku
manaysto waanu halkaasi ka soo jeediyey Gabayo ama maansooyin uu ku
cabirayo Wadaniyada oo dhinacyo badan kaga eegayo sida Horu mar lagu
gaadhi karo dadka aan fahan sanayn horu marka oo uu ugu tilmaayo
Habsuugaaneed, iyo waliba sidoo kale maanso uu kaga hadlay ququuqda
waalid ka oo aad muhiim u tahay ina la dhawro, iyo dhinacyada Arimaha
Bulshada oo dhamaantood ku Cabiray Maanso uu ugu gudbinayo.
sidoo kale waxaa halkaa gabay kooban ka jeediyey ABWAAN ZAKARIYE oo tiriyey gabay dalka ka hadlaya. isaga oo ah abwaan kii koowaad ee furay silsilad tahariibka ka warameysa.
Axmed Naasir Daahir Xuseen Gudoomiyaha Naadiga Himilo
Munaasibadaasi Khudba dhinacyo badan leh ka jeedyey ayaa sheegay in uu Naadiga
ka madax banana yahay arimaha Siyaasada, aanu ahayna dhaqaale raadis wixii la
xidhiidha taasi uu ku sababeeyey inay yihiin waxaasi oo dhami waxa kala
kexeeya, waxaanu intaa ku daray in ay ujeedada ugu wayni tahay sidii loo horu
marin lahaa heerka akhriska, qoraalka iyo Cilmi baadhista iyadoo loo marayo
nidaam aan ka soo horjeedin Diinta, dhaqanka iyo Distoorka, waxaanu soo
jeediyey in isku duubni iyo wax wadaqabsiga lagu dadaalo, isagoo intaa ku daray
inay qaban qabinayaan sidii ay u samayn lahaayeen Libarary Buugtiisu Wada
Af-soomali tahay.
Marwo Faadumo oo halkaasi ka hadashay ayaa ku dheeraatay
hiigsiga himilo uu qof bani aadam ahay leeyahay oo aan laga hadhin ama ay ka
go’an tahay inuu ka midho dhaliyo in mar uun la gaadho, iyadoo
intaasi ku dartay mar ay ka hadlaysay dhinaca siyaasada inay haboon tahay
in lasheego wixii dhadhiila, qofkastaana uu xor u yahay yahay fikirkiisa,
waxayna umada Reer Somaliland ilaahay uga bariday inay la mid noqoto umadaha
Horu maray, iyadoo tusaale usoo qaadatay Jaamacada Dalka oo sheegtay in hadii
ay dadaal sameeyaan Ardaydoodu Gaadhi karaan Heer looga Baahdo Aqoontooda
Caalamka.
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Sacad Cali Shire oo ka soo
qayb galay munaasibadaasi ayaa ku amaanay Naadiga iyo Hal abuurada
soo bandhigay Suugaanka kala gadisan, waxaanu ku dheeraaday qiimaha uu leehay
Akhriska, isagoo xusay marxaladaha kala duwan ee uu qofka bani aadamka ahi u
soo maro Cilmiga iyo Barashadiisa, waxaanu tilmaamay inuu Buuga Wanaagsani
yahay Macalin Wanaagsan sidaa awgeed uu kula dar daardaarmay inay akhristaan
Buugaagta Waanaagsan.
Wasiirku waxa kale oo u soo jeediyey inay bilaabaan inay
baraan sida wax loo qoro loona akhriyo cida aan waxna qorin waxna
akhriyin hadii ay tahay Caasimada gobolada, degmoyinka iyo meelaha miyiga
ahaba, waxa kale oo wasiirku tilmaamay inuu qofka muwaadinka ahi xor u yahay
fikirkiisa Xukuumadana ku dhaliilo wixii dhaliila, isagoo sheegay in loo baahan
yahay inay Bulshadu Horu marka keensato si ay ula mid noqdaan Wadamada Horu
marka gaadhay oo ay umadoodu u hor seeday waxaanu intaasi ku daray inuu dalka u
joogay si uu uga shaqeeyo Horu marka Somaliland oo uu qorbaha uga yimid,
waxaanu ula dardaarmay inaan umada la niyad jabin balse wixii umada ka dhexeeya
loo tudho.
Waxaaa halkaasi Gaba-Gadii Shahaado Sharaf lagu gudoonsiiyey
Wasiirka qorshaynta iyo Qoraa cali cabdi coomeey oo lahaa fikirkii lagu aas aasay naadiga kana mid ah aas aasayaasha NAADIGA.
Subscribe to:
Posts (Atom)